Haddii konton milyan oo qof ay yidhaahdaan wax doqonniimo ah, wali waa doqonniimo

Waxa aad ku socotaa riwaayad. Isgoysyada waxaa isku buuqaya koox dad ah, oo dhammaantood cirka eegaya. Adigoon xitaa ka fikirin ayaa aad adiguna iska eegaysaa cirka, sidooda oo kale. Sabab? Waa saamaynta bulshada.

Bartamaha riwaayadda markii uu jilaagu soo bandhigo jilitaan xirfadaysan, qof ayaa bilaabaya in uu sacabtumo; kadib si kadis ah ayaa qolka oo dhami ku soo biirayaa sacabtumiddaa; adiga laftaadu waad ku biiraysaa. Sabab? Waa saamaynta bulshada.

Saamaynta bulshada, mararka qaarna loogu yeero “dareenka xoolaha”, waxa ay sheegaysaa in shakhsiyaadku u qaataan in ay si sax ah u dhaqmayaan marka ay kala simanyihiin dadyowga kale dhaqankaa. Si kale haddii loo dhigo, mar walba oo ay dad badani aamisan yihiin fikir gaar ah, mar walba oo ay u arkaan fikirkaa in uu yahay mid wanaagsan. Sidoo kale, mar walba oo ay dad badan leeyihiin dhaqan u gaar ah, waxa ay mar walba u arkaan in uu dhaqankaasi yahay mid togan. Dabcan macquul ma aha.

Saamaynta bulshada ayaa ah masiibada ka dambeysa masiibooyinka dadka ugu dhaca si wadajir ah. Sidii oraahdii Soomaaliga ahayd ee ‘haddii aad tagto meel laga il la’yahay, isha ayaa la is tiraa’  

Waagii hore, raacitaanka dadka kale waxaa laga yaabaa in ay ahayd istiraatiijiyad badbaado oo wanaagsan. Ka soo qaad in 50,000 oo sano ka hor aad ku dhex safraysay kayn adigoo la socda saaxiibbadaada ugaarsatada ah; si lamafilaan ayaa ay hal mar u yaaceen. Maxay ayaad sameyn lahayd? Ma iska joogi laheyd meeshaada oo madaxa xoqan lahayd, si aad u ogaato waxa laga cararay in uu yahay libaax ama xayawaan kale oo aan dhibba lahayn oo asugaba la cuno? Maya, waa aad daba gali lahayd asxaabtaada.

Goor dambe, markii aad nabad ahaato, ayaa aad ka fikiri lahayd wixii dhab ahaan dhacay. Waa aan hubaa in ay jireen qaar kale oo u dhaqmay si ka duwan kooxdaa carartay oo ka baxay xayndaabka hiddawadaha, laakiin way yaraayeen. Waxa aannu nahay faracii tooska ahaa ee koobiyeeyay dhaqanka kuwii inaga horeeyey.

Ku dayashadu waa sifo si qotodheer leh inoogu xididaysatay oo ilaa maanta aannu isticmaalno, ---xitaa marka aanay lahayn wax faa’iido ah.

Dhowr xaaladood ayaa maskaxda ku soo dhaca halka saamaynta bulshadu ay qiimo ku leedahay. Tusaale ahaan: haddii ay ku hayso baahi, magaalo shisheeyana aad joogto oo weliba aadan aqoon maqaaxida wanaagsan, waxaa suurtogal ah in aad doorato tan dadka deegaanka ahi ku badan yihiin. Si kale haddii loo dhigo, waxa aad koobiyeeynesaa dhaqanka dadka deegaanka ah.

Riwaayadaha iyo majaajilooyinka ayaa aad loogu isticmaalaa saamaynta bulshada, ayaga oo ku daraya jilid shactiraysan; taas oo aad uga qoslisiinaysa daawadayaasha muddo dheer.

Waxaa tusaale u ah saamaynta bulshada khudbaddii caanka ahayd ee wasiirka dacaayadda ee Nazigii, Joseph Goebbels, oo aad loo dhagaysan jiray 1943-kii (adiga laftaada ka eeg YouTube-ka). Dagaalku marki uu aad ugu kharaaraaday Jarmalka, si ay dadka u kiciyaan oo dagaalka lala galo ayaa uu su’aalo waydiiyey: “Ma dooneysaan in aan galno dagaal wadareed? Haddii loo baahdo, ma dooneysaan in aan galno dagaal kharaar badan oo si xagjirnimo ah ula galno cadawga? Dadkii badankoodii way guux qayliyeen oo taagero u muujiyeen dagaalkaa kharaar ee uu ku dhawaaqay wasiirku. Laakiin, haddii ka qaybgalayaasha hal-hal loo weyddiin lahaa su’aalahaa, waxaa laga yaabi lahaa inayan inta badan oggolaan.

Kuwa wax xayeysiiya waxa ay si weyn uga faa'iidaystaan daciifnimadeenna xagga saamaynta bulshada. Tani waxa ay sifiican u shaqeysaa markii la xayaysiinayo waxsoosaar, sida: gawaari, saacado, cuntooyin, moobeello, dhar, iwm; fikir ama xisbiyo siyaasadeed dadkana ayan kala garanayn kay qaadan lahaayeen ama raaci lahaayeen. Waxaa loogu xayaysiiyaa waa waxsoosaarka loogu iibsiga badan yahay ama xisbiga ay dadka oo dhan ka daba dheceen.  

Sidaa daraaddeed, maxaa inoo diidaya in aan walaac ka muujinno mar kasta oo wax naloo xayaysiiyo oo nala yiraahdo: “Waa xisbiga ugu caansan, ama waxsoosaarka loogu iibsan og yahay”? Sidee buu xisbi uga fiicnaan karaa xisbiyada kale asaga oo ay dadka aad ugu badan yihiin dheef iyo dheef darraba? Xusuusnow, qoraaga W. Somerset Maugham ayaa xikmaddan leh; “Haddii 50 milyan oo qof ay yidhaahdaan wax nacasnimo ah, wali waa nacasnimo".

Buugga “The Art of Thinking”, cutubka 4aad.

Turjumay: Nasrudin Mohamed Ahmed

Comments

  1. Maqaal cajiib ah baa aad turjuntay. Ma ahan qofku in uu dadka iska raaco oo dameeri dhaan raacday noqdo. Mabda' iyo halbeeg waa in uu yeeshaa, si' uu u noqdo qof miisaaman oo aragtidiisa qaadan kara.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Constitutional Crisis in Puntland (Part Two): The Suppression of Puntland's House of Representatives